Banaanbax Mareykanka Ka Dhan ah oo Markale Gaalkacyo ka Dhacay “Sawirro”

0

Waxaa maanta magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug ka dhacya dibad bax balaaran oo logu soo horjeeday duqeynti ay ciidamada mareykanka ay ku dileen ciidamo ka tirsana kuwa maamulka galmudug.

Dadka oo watay boorar ay ku sawiran yihiin meydadka ciidamadi la dilay iyo sidoo kale gadiidki dagaalka ee duqeynta ku bur buray.

Mas’uulyiin ka tirsan maamulka galmudug oo qeyb ka aha banaanbaxa ayaa waxa ay la hadleen dadki isugu soo baxay iyagoona sheegay in  dadka reer galmudug ay la qeybsanayaan dhibaatadi ka dhalatay duqeynta.

Duqa Magalada Gaalkacyo ee Galmdug  Xirsi  Yuusug Bare  oo kamid ah mas’uuliyiinti dadka la hadashay ayaa waxa uu sheegay In dadka dibad baxa dhigayo ay u badan yihiin ehelada ciidamadi lagu dilay deeganaka jeexdin oo dhaca duleedka magaalada Gaalkacyo.

Waxaan maanta qeybta koonfureed ee magaalada gaalkacyo aan ka jirin isa socod ganacsi iyo mid gaadiid waxana magaalada weli ka soconayo dibadbax logu soo horjeedo ciidamadi galmudug ee lagu dilay duqeynti ka dhacday gobolka mudug.

Xog wareedkaan waxaa leh Radio Simba

1-8 2-5 3-6 4-5 5-5 6-4 33-1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here