Raisul Wasaaraha Dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashidi Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Go’aan kagaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Goboladda hiiran iyo Sh,Dhexe ay tahay mid u talla Dowladda Federaalka , Guddiga Doorashadda dad-banna looga bahan yahay uun in ay wada tashi la yeeshaan Isimada ugu jira 2da Gobol odayaasha 135, dabadeedna dib ugu soo celiyaan Dowladda Federaalka natijada ka soo baxa tashi ay la sameeyeen odayaasha dhaqanka ee goballadaas.
“ Waxaan u mahadcelinaya oo aan Bogaadinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga Doorashadda 2016 , hayeeshee waxaan rabaa inan faro oo an u cadeeyo Guddiga in ay ilaaliyaan Go’anadii lagu gaaray Madasha hogaamiyaasha Qaranka ,oo lagu cadeyey in Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe oo ahayd mid u taalla Dowladda federaalka Soomaaliya “ ayuu yiri Raisuul Wasaaraha Soomaaliya.
Raisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku booriyey Guddiga doorashadda in ay wada tashi la yeshaan dhammaan odayaasha dhaqanka ee ugu jira ggoboladda Hiiran iyo Sh. Dhexe 135 oday uguna tagaan goob kasta oo ay jogaan , isla markaana ay Dowladda Federaalka u soo gudbiyaan natiijadda ka soo baxda wada tashigaas sidii horay loogu heshiiyey.
Hadalkaan ayaa ka Hor imaanaya hadal shalay kasoo yeeray Guddiga Doorashadda 2016-ka , oo ahaa in Odayasha Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe kulan ay la qateen in ay isku raaceen in doorashada Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe in lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

