Askari u Dhashay Dalka Uganda oo Gacanta ay ku Hayaan Al-shabaab oo Lasoo Bandhigay+Sawirro

0

Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Askari Maxbuus ah oo u dhashay dalka Uganda, kaasoo sanad ka hor lagu qabtay dagaalkii xooganaa  ee ka dhacay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Askarigan oo lagu magacaabo Masassa M.Y waxa uu Ciidamada Meliteriga ee dalka Uganda kusoo biiray Sannadkii 2009-kii, isagoona ka mid ahaa cutubyo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom oo Sannado ka hor lagu soo daabulay Gudaha dalka Soomaaliya si ay ula daaalamaan Xarakada Al-shabaab.

Masassa M.Y waxa uu farriintiisa kula hadlay Hogaamiyaha dalka Uganda Yuweri Musaveni, waxa uu sidoo kale la hadlay Shacabka dalkiisa, isagoona codsaday in laga shaqeeyo sidii lagu sii deyn ah oo uu xorriyadiisa u heli lahaa.

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa weerar xooganaa ku qaaday sanadkii Hore saldhig ay Ciidamada Amisom ay lahaayeen  deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha hoose waxayna sheegeen in  ay dagaalka ku dileen 50 Askari oo u dhashay dalka Uganda, waxaa sidoo kale dagaalkaas lagu qabtay Askar Maxaabiis ah, kuwaas oo illaa iyo hadda tiradooda aysan si rasmi ah u sheegin Xarakada Alshabaab.

max max1 max2 max3

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here