Raisulwasaaraha;-“Kuma Qanacsanin Xukunka Dilka ah ee  india ay ku Riday Dhalinyaradda Soomaaliyeed”

0

Raisul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane  Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke  ayaa sheegay in xukumadda Federaalka Soomaaliya aysan ku qanacsanayn  xukunka dilka ah ee  dowladda India ku riday  dhalinyaradda Soomaaliya ,madama aysan helin fursad ay iskaga  difaacaan  eedaymaha loo soo jeediyey .

“Xukumadda Soomaaliya kuma qanacsano  xukunka  dowladda India ay ku riday dhaliyaradda Soomaaliyeed  ee ku xirnaa  xabsiyadda dalkaasi, qof kasta oo bini aadan ah waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xukun ku dhisan Cadaladda , sidaa daraadeed waxaan aaminsanahay in muwaadiniintaas  Soomaaliyeed aysan helin  Cadaalad maadaama an fursad loo siinin  in  ay qabsadaan  qareeno u doodda ama  ka difaaca   eedaymaha loo haysto “ayuu yiri  Raisul Wasaare Cumar.

Raisul Wasaare Sharma’arke  ayaa  tilmaamay in xukumadu ay kala hadli doonto   dowladda India Xukunka ay ku riday  dhalinyaradda Soomaaliyeed  kuwa  ku jira xabsiyadda dalkaasi sidii ay ku heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo  iyo xukun cadaalad ah .

“ Dowladda india wan kala hadli doono  dhalinyaradda ku jirta Xabsiyada Dalkaasi sidii ay u heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo  iyo xukun ku salaysan  Cadaaladda  ,waxan sidoo kale la wadaagi donaa in  xukumadda Soomaaliya ay aaminsan  tahay xukunkii lagu riday dhalnyaradda Soomaaliyeed uusan ahayn mid   Cadaaladda ah, aysana xaq u leeyihiin muwaadininta Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyada dalkaasi in ay  helaan  fursad ay isku difacaa”ayuu yiri Raisul Wasaraha Xukumadda Soomaaliya .

Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke Raisal Waasaaraha  Xukumadda Soomaaliya  ayaa ugu danbayntii  xusay in xukumadda Soomaaliya ay dadaal wayn ku bixinayso sidii dhaliyaradda Soomaaliyeed  ku xiran xabsiyadda  Calamka ay u heli lahayeen xukun ku dhisan Cadaalad  isla markaana ay qayb ka mid ah  xukun koodda  ugu qadan lahayeen Xabsiyadda ku yaalla Dalka .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here