Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya oo ay wehliyaan Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ku dagaalamay Deegaanka Iidaale oo ka tirsan Gobolka Baay.
Dagaalkan ayaa waxaa qaaday Ciidamada gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaliya oo beegsaday Saldhig Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi, sida Saraakiisha ay sheegeen.
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Xasan Cari Case oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Ciidamada Koonfur Galbeed inay dileen todobo ka mid ah dagaalyahanada Xarakada Shabaabka.
“Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Koofur Galbeed waxay weerar qorsheysan oo gaadmo ah ku qaadeen nimankii AlShabaab ahaa meel ay ka degenaayeen Iidaale, ayaga ma filaneyn, khasaare ayaga ayuu u badan yahay, dhimashada waa 7 qof”ayuu yiri Taliye kuxigeenka Booliska Gaarka ee koonfur Galbeed.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakada Al-shabaab oo ay ugu hadlayaan sheegashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

