Banaanbax Loogu Soo Horjeedo Xukuno  Dowladda India ay ku Riday Dhalinyaro Somaliyeed oo Ka Dhacay Gaalkacyo

0

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  qeybta Galmudug waxaa maanta ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo xukuno ay Dowladda India ku riday dhalinyaro Somaliyeed oo ay ku eedeeysay falal burcad Badeednimo.

Shacab aad u fara badan ayaa isugu soo baxay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kuwaasi oo aad kaga xumaa xukunada dilka ah ee la sheegay in dowlada India ay ku riday dhalinyaro Soomaliyeed oo muddo lagu hayay xabsiyo ku yaala dalkaas.

“Madaxweynaha Galmudug India ayuu tagey dadkeenna waxbo uma soo qaban, wiilasheena waa laga been abuurtay, sharci darro ayaa lagu xukumay, waxaan ku baaqeynaynaa in ilmaha naloo soo badbaadiyo, aaway dowladdii, Xasan Sheekh weli kama uusan hadli dadkeenna” ayuu yiri mid kamid ah dadkii banaanbaxa dhigayay maanta.

Maxkamad ku taala dalka India ayaa xukuno kala duwan ku ridey dhalinyaro Somali ah oo  lagu eedeyay burcad badeednimada waxayna garayeen illaa iyo 119 nin kuwaas oo 50 ka mid ah lagu riday xukun dil ah,waxaana lagu soo qab qabtay 4 hawlgal oo ay sameeyeen Ciidamada illaalada Xeebaha Hindia sanadihii 2011-2012,waxaana la sheegay in ay qirteen dambiyada loo haysto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here