Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed oo Lagu Eedeeyay in uu iska Hor Keenayo Beelaha Dega G/ Shabeelaha Hoose

0

Maamulka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku eedeeyay Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya C/qaadir Nuur Carraale in uu ka shaqeynayo iska hor keenida bulshada ku dhaqan Gobolka.

Gudoomiye ku-xigeenka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Nuur  Suuley oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mudooyinkii dambe Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya C/qaadir Nuur Carraale uu waday iska horkeen iyo in dagaal laga dhex abuuro bulshada ku dhaqan Gobolka islamarkaana uu hay’addo Caalami  lacago kaga qaatay in uu ku guuleystay in uu heshiis dhex dhigay beelo dagaalamay.

“Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya C/qaadir Nuur Carraale waa shaqsiga ugu horeeya ee xiligaan Gobolka kawada hurinta dagaal dhexmara bulshada ku dhaqan Gobolka, Hay’addo Caalami ayuu lacago  kaga qaataa in uu heshiis dhexdhigay beelo dagaalamay”, ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka Magaalada Marka.

Dhanka kale xiriiro aynu lasameenay Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya C/qaadir Nuur Carraale inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here