Tiro dad ah oo Lagu Dilay Toogashooyin ka Dhacay Gobolka Washiton ee Dalka Maraykanka

0

Ugu yaraan 4 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xarumo lagu dukaamaysto oo ku yaala bartamaha Magaalada Burlington sida ay ay sheegeen Ciidamada booliska ee Gobolka washiton ee dalka Mareykanka.

Xarunta gacanacsi ee toogashadu  ay ka dhacday oo lagu magacaabo Cascade Mall iyo dukaamadii ka agdhowaa ayaa siweyn ay u xireen ciidamadu sidoo kalana waxa ay ka bilaabeen baaritaano.

Lama oga tirade dad ah ee weerarkaas ku lug lahaa iyo sidoo kale wax yaabaha ku kalifay in ay sidaas sameeyaan,

balse wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in lagu arkay nin looga shakiyay in uu weerarka ka dambeeyay oo maraya meel aan sidaas uga dheerayn halka ay wax ka dheceen.

Afhayean u hadlay booliska ayaa waxaa uusheegay in ay meesha isaga tageen dadkii toogashada geystay kahor intii aysan boolisku soo gaarin goobta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here