Ciidamo ka hortaga Al-shabaab oo lageynayo Biyaha U Dhexeya Soomaaliya iyo Yemen

0

Dhaxal sugaha isugu tagga Imaaraatka Carabta Maxamed Binu Saayid Aala nahyaan oo kulan la qaatay madaxweynaha Masar iyo xog hayaha dowladda Mareykanka u qaabilsan arimaha bariga dhexe ayaa ka wada hadlay la dagaalanka waxa loogu yeero arga-gixisada.

Dhaxal sugaha Imaaraatka ayaa sheegay in mas’uuliyiintii uu la kulmay ay kuwada heshiiyeen sidii ciidamo la socda dhaq-dhaqaaqyada ay sameynayaan Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada Yemen ee Aqab la yiraahdo.

“Waa muhiim in aynu ciidamo geyno Baabul mandab oo ah marinka ugu dhaw ay isaga kala gooshi karaan Kooxaha Arga-gixisada ah ee ka kala dagaalama wamada Soomaaliya iyo Yemen, sidaa awgeed waa arin aynu isla garanay inaga iyo mas’uuliyiinta dowladaha Masar iyo Mareykanka” ayuu yiri dhaxal sugaha Imaaraatka Carabta.

Dhaxal sugaha ayaa markale yiri “Waxaan la kulmay taliyaha ugu sareeyo ciidamada Imaaraatka ee sida gaar ah u qaabilsan la dagaalanka arga-gixisada waxa aynu isla meel dhignay sidiii loogu dhaqaaqi lahaa arintaani” ayuu sheegay Max’ed Binu Zeyd Aala Nahyaan dhaxal sugaha imaaraatka carabta.

Max’ed binu Zeyd Aala Nahyaan oo ah dhax sugaha Imaaraatka ayaa dhanka kale warbaahinta Imaaraatka u sheegay in uu la xiiriray wazaaradda difaaca Mareykanka ee (Pentagon) iyagoona isla meel dhigay kordhinta howlgalka ay ka wadaan gudaha wadamada Soomaaliya iyo Yemen.

Ugu dambeyn kulankaasi waxaa dib kaga soo biiray xubno ka socday dowladda Sacuudiga kuwaa oo balan qaaday in ay qeyb ka noqon doonaan qorsho waliba oo wax looga qabanayo arimaha waxa loogu yeero arga gixisada iyo waliba cidii fulineyso howshaasi.

Imaaraatka carab iyo Sacuudiga ayaa kamid ah isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ee garabka siiya dowladda Yemen maadaama badi dalkaasi horay ula wareegeen kooxaha Xuutiyiinta oo la sheego in ay garab ka helaan dowladda Iran.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here