Qarax Xooggan ayaa Goordhaweyd ka dhacay agagaarka xarunta Wasaarada Gaashnaandhiga Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay Gaari Cabdi Bille ah oo uu saarnaa Generaal Maxamed Jimcaale Rooble (Goobaale) oo ahaa Taliyaha Guutada Sedexaad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed iyo askar la socotay.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa bartiisa Feceboogiisa-ga ku xaqiijiyay dhimashada Jeneaal Goobaale oo ahaa Taliyihii Guutada Seddexaad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed.







