Faah-Faahin:- Al-shabaab oo  Sheegtay Mas’uuliyada Qaraxa Lagu Qaarijiyay Jeneraal Goobaale

0

War kasoo baxay xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ismiidaamiye ka Tirsan Shabaab uu ka dambeeyay qaraxii lagu qaarijiyay Taliyihii Guutada Sedexaad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed Ala ha u Naxariistee jeneraal Maxamed Jimcaale Rooble (Goobaale).

Idaacadda Radio Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada  shabaab ayaa sheegtay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay ruux ismiidaamiye ahaa uu beegsaday gaadiid gelbinayay jeneraal Maxamed Jimcaale Rooble (Goobaale). xilli uu marayay meel ku dhow wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here