Wasiirkii Warfaafinta Daacish oo Duqeyn Diyaaradeed Lagu Dilay iyo Mareykanka oo Xaqiijiyay  

0

War kasoo baxay Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka lagu dilay mid kamid ahaa Hogaamiyeyaashii kooxda Daacish.

Hoggaamiyahan oo lagu magacaabi jiray Wa’il Adil Hasan Salman al-Fayad ayaa lagu dilay 7-dii bishan September meel ku dhow magaalada Raqqa ee dalka Suuriya sida waaxda Gaashaandhiga mareykanka ay sheegtay.

Ninkan ayaa sidoo kale loo yaqaanay Dr. Wa’il, waxaana uu ahaa Wasiirka Warfaafinta kooxda IS, waxaa kaloo uu isku duba ridi jiray muuqaalada ay ku soo bandhigi jireen dilalka kooxda Dowlada Islaamiga ee Daacish.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here