Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka bandana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaaba ay ku dagaalameen degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Shaqsiyaadka dagaalkaasi dhacay ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Corlonel Aadan Maxamed Waceys (Aadan Koronto) oo ka mid ahaa saraakiishii Ciidamada Dowlada Soomaliya ee Gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa u suurta gashaya in ay la wareegaan gacan ku heynta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa midowga Afrika ee Amisom.

