Xilibaanada ku jira baarlamaanka soomaaliya kana soo jeedo gobolada waqooyi ayaa cadaalad daro ku tilmaamay in maamul goboleedyada qaar lala simo gobolada waqooyi.
Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsan Baarlamaanka Waqtigiisu Ilaaday kana soo Jeeda Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa Cadaalad Daro ku Micneeyey in simo Gobalada Waqooyi ee hada uu ka Dhisan yahay Maamulka Soomaaliland iyo Maamul Gobaleedyada Dalka ka Jira oo uu Xusay in mid ka ugu balaaran uu ka Kooban yahay Labo Gobal.
Xildhibaanka oo Sii hadlayey ayaa Sheegay Xubnaha ka soo jeeda Gobalada Waqooyi ee Soomaaliland ay u taagan yihiin Sidii loo heli lahaa markale Midnimada Soomaaliland.
Ugu danbeyntii Xildhibaan Boqore ayaa Hogaamiyaasha Madasha qaranka ugu baaqay inay Tix-galiyaan Wada jirka Umada Soomaaliland islamaraan ay u soo jeeestaan sida Bulshada Gobalada Waqooyi looga Qanci la haa Waxa ay tabanayaan ee Sababay in Xubnaha Dowlada Dhexe ku matalaya ay ku dhawaaqaan in ay iskaga harayaan Doorashada dadban Dhamaadka Sanadkaan la Filayo inay Soomaaliya ka Qabsoonto.
DHAGEYSO WAREYSIGA XILIDHIBAAN

