Xili uu shaley madaxweynaha waqtigisa uu idlaaday ee xasan shiikh maxamuud uu daah furay markale shirka maamul u smaeynta gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe ayaa waxaa soo baxay khilaaf hor leh oo soo kala dhex galay ergada ka qeyb galeysa shirka jowhar.
Nabdoon Yaxye Maxamed Macalin oo la hadlay Idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in odayaal badan oo ka mid aha ergada ka qeyb galeysa shirka jowhar ka soconayo in ay xaley iyo saakay ay isaga baxeen hoolka uu ka soconayo shirka maamulka logu smaeynayo gobolka hiiraan iyo sh/dhexe eek u yala magaalada jowhar.
Nabdoon yaxye ayaa ku tilmaamay sababaha shirka ay kaga baxeen ergada qaar in ay tahay hananka awood qeybsiga oo si musuq maasuq ay u qeybinayaan Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada Arrimaha gudaha dowlada soomaaliya iyo Igad.
Odayaasha eragada aha ee isaga baxay shirka ayaa waxa uu ka bixitaankooda dhabar jab markale ku noqonayaa dowlada waqtigeeda dhamaady balse logu tala galay inta marxalada doorashada socoto in ay xukunka dalka sii heyso dadaaladi ay ugu jirtay guuleysashada shirka jowhar.
Madaxweyne shiikh maxamuud ayaa waa uu shaley ugu baaqay odayaasha ka soo kala jeeda hiiraan iyo shabeelaha dhexe in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhistaan maamul ay ku mideysan yihiin.
Ergada cusub ee isaga baxday shirka jowhar ayaa waxa ay isugu jiraan odayaal ka soo kala jeedo gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Xuquuqda qoraalka waxa leh Radio Simba

