Arsenal oo Heshiiska u Kordhinaysa Xidigaha Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil Iyo Wenger oo ka Hadlay

0

Naadiga Arsenal ayaa kalsooni buuxda ku qabta in ay heshiis cusub ay  ka saxiixato xidigaha Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil kuwaasi oo la rumeysan yahay in aysan ku qanacsaneen kooxda ka dhisan Magaalada London.

Heshiiska Labada xidiga ayaa ka harsan wax ka yar 2-sano macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa mudooyinkii dambe ku celcelinaayay in heshiis cusub laga saxiixi doono xidigaha Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil.

Kubad sameeyihii Hore ee kooxda Real Madrid Mesut Ozil oo Arsenal kusoo biiray sanadkii 2013-kii ayaa caawiyay 19-Goal Xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay waxayna arsenal kula soo wareegtay aduun dhan £42.5 million.

Dhanka kale Sanchez oo dhawaan sheegay In uu leeyahay awooda xidigaha  -Cristiano Ronaldo iyo  Lionel Messi ayaa arsenal u dhaliyay 13-Gool 30-kulan uu kasoo muuqday wuxuuna Todobaadkaan kooxdiisa ka badbaadiyay Guudaro kasoo gaari laheyd dalka ka ciyaarta Horyaalka France ee Paris Saint-Germain.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here