Madaxweynaha Dalka Ugandha Yuweri Musaveni oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray (Daawo Sawirrada)

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni ayaa kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde.

Madaxweynaha dalka Ugandha Mudane Yuweri Musaveni waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Jamhuuriyada  Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo Mas’uuliyiin kale oo dowlada soomaliya ka Tirsan.

Shir madaxeedkan oo saaka furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.

Shir madaxeedka ajendaha looga doodii doono waxaa kamid ah  xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

musaveni1 musaveni2 musaveni3 musaveni4 musaveni5 musaveni6 musaveni7 musaveni9 musaveni10

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here