Raisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho isagoo kasoo dagay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde.
Waxaa loo gudbiyay qaybaha Nasiinada ee loogu talo galay Madaxda inay ku nastan, waxaana halkaasi ku sugan Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ma’uuliyiin ka Tirsan dowlada Soomaliya.
Waxaa lagu wadaa in loo galbiyo Halka uu ka dhacayo Shirka oo ah Hotelka Peace oo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Shir Madaxeedka IGAD ayaa goor dhow lagu wadaa inuu furmo, iyadoo la sugayo Madaxda kale ee xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD oo ku soo wajahan Muqdisho.



