Haweenay u Dhalatay Dalka Nigeria oo Ku Umushay  Dooni La Maraysay Badweynta Mediterranean.

0

Warbaahinta dalka talyaaniga ayaa maanta daabacday in Haweenay u dhalatay dalka Nigeria oo tahriib ku galaysay dalalka yurub ay ku umushay dooni la maraysay bad weynta Mediterranean.

Ilmahan yar ayaa waxa ay warbaahintu sheegaysaa in uu caafimaad qabo isla markaana uu yahay mid caafimaadkiisu uu taam yahay.

Warkaan oo laga soo xigtay ururka dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in xaalada ilmahaasi yar ay haatan tahay mid aad u wanaagsan amaan ayaa loo jeediyay umuliso qeyb weyn ka qaadatay in ilmahaasi  si wanaagsan uu ku dhasho.

Hooyada dhashay ilmahaasi yar ayaa iyadada sheegtay   in ay ka quusatay nolosheeda, ta ilmaha yarina aanay wax cabsi ah ku haynin.

“Waxa aan ka quustay nolosha, waxa aanu saarnayn dooni bac ka samaysan, waxa aan fadhiyay sagxda hoose” aya tiri Haweeneydaan u dhalatay dalka Nageria.

Hay’adda MSF ayaa sidoo kale sheegatay in waalidka wiilkaan oo lagu kala  magacaabo Otas iyo  Faith Oqunbor ay u bixiyeen wiilkooda Newman Otas oo micna ahaan noqonaysa wiilkii cusbaa ee Otas, labo caruur  oo kale  da’dooda lagu sheegay 7-sano iyo 5-sano ayaa lasoo badbaadiyay 24-kii saac aynu soo dhaafnay kahor inta uusan dhalan  Newman.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here