Ciidamada Nabad Sugida Maamulka Jubba-land Howgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen rag la xiriirinaayo in ay ka Tirsan yihiin xarakada Al-shabaab.
Ragga la qabtay ayaa waxaa la sheegay in Xarakada Alshabaab ay u qaabilsanaayeen Miino dhigista iyo dilalka qorsheysan ,Nin kamid ah ragga la qabtay waxaa uu ka soo jeedaa dalka Itoobiya..
Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa daraawishta Maamulka Jubba-land ayaa dhawaan si nabad galyo ah kula wareegay deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo dhanka koonfureed uga beegan magaalada Kismaayo qiyaas ahaana u jira 60KM.





