Xidigaha Shkodran Mustafi iyo Lucas Perez ayaa galabta la rajeenayaa in ay kooxdooda cusub ay kasoo muuqdaan sida ay ogaadatay Majalada goal.com
Shkodran Mustafi iyo Lucas Perez ayaa ka kala yimid kooxaha Valencia iyo Deportivo waxayna qaateen tababarkooda ugu horeeyay ka hor kulanka Southampton oo galabta 05:00 galabnimo dhacaya.
Mustafi, ayaa durbadiiba kooxda la qabsaday madaama ay kooxda joogaan xidiagaha Ozil iyo Per Mertesacker oo kasoo jeeda Germany halka Perez ay kooxda kaga soo horeeyeen xidigaha reer Spain ee Hector Bellerin, Nacho Monreal iyo Santi Cazorla

