Qaramada Midoobay oo Wali  ka Walaacsan Doorashada La Filaayo Dalka inay ka Dhacdo Sanadkaan 2016-ka

0

Michael Keating Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in qaramada Midoobay ay ka walaacsan tahay Doorashada la filaayo dalka inay ka dhacdo ay ku qabsoonto waqtigii loogu talo galay.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya ayaa tilmaamay  in la hareerar maray  dhaqan galinta Jadwalka Doorashada Somaliya, islamarkaana la dareemayo in wali uu jiro dib u dhac aad u weyn.

“Jadwalka Doorashada ayaa xoogaa Dib u dhacay, si Hogaamiyeyaasha Somalida ay u dhameystiraan nidaamka Doorashada ay ku dhaceyso, dhab ahaantii hada oo aan kula hadlaayo waxa ay ka shariyaan arintaasi waxaan ku qanacsanahay in Dorashada ay dhici doonto dhowrka bil ee soo socota, balse waan arki doonaa in Doorashada ay ku dhacdo waqtigii loo qabtay.” Ayuu yiri Michael Keating oo la hadlay Idaacada BBC.

Michael Keating,Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la raaco jadwalka doorasho si dalka ay ugu dhacdo doorasho xalaal ah, wuxuuna madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira ugu baaqay in aysan sabab ugu dhigin qilaaf dhexdooda ah dib u dhaca doorashada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here