Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Cusub ee Djibouti+sawirro

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Aden Hassan Aden.

Labada Mas’uul oo kulan wada yeeshay ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka Labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi  wadaag.

Dalalka Soomaaliya iyo Djibouti waa laba dal oo walaalo ah, kana dhaxeeya xiriir sal adag .

Soomaaliya ayaa kaalin balaaran ku laheyd gobonnimada wadanka Djibouti, iyadoo aqoonsatay qarannimada iyo madax banaanida dalkaasi isla markii lagu dhawaaqay gobonnimada dalkaasi oo ku beegneyd June 27, 1977, waxaana labada dal ay u saldhigeen xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi  wadaag ah oo ku dhisan walaalnimo.

Dowladda Djibouti waxa ay kaalin firfircoon ku leedahay dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo hab wadaag ah kula shaqeeya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (XDS).

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Aden Hassan Aden, ayaa badali doono  Dayib Dubad rooble oo dhawaan xaflad sagootin aheyd loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

1473327551d1517 147332754411d07

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here