Shirkaan looga hadlayay arrimaha amaanka Somaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabiyay laba wasiir oo ka mid ah xukuumada Uk oo kala ahTobias Ellwood iyo Mike Penning waxaana ay muujiyen sida ay uga go’antahay dawlada Uk sii waditaanka Xasilooni iyo amaan laga hirgeliyo Somaliya.
Tobias Ellwood, oo ah wasiirka u qaabilsan dawlada Ingiirska bariga dhexe iyo Africa iyo Wasiirka Ciidamada ayaa siwadajir ah u martigelinayay shirkaan oo ka dhacay magaalada London ee Caasimada Ingiriiska waxaana uu ku saabsanaa ammanka Somaliya iyo sidii beesha caalamku ay uga wada shaqayn leheed dadaalada loogu jiro dhismaha nabada Somaliya .
Waxaana sidoo kale shirkaan ka qayb galay wasiirada difaaca wadamo badan oo dunida ah.
Dawlada uk ayaa waxaa ay sheegatay in ay dadaal ugu jirto sidii loo hormarinlahaa nabadda iyo xasiloonida Somaliya islmarkaana waxa ay xustay in ay tahay wadanka kaliya ee katirsan wadamada midowga yurub ee safaaradiiso ay Somaliya ka shaqaynayso
Mr Ellwood oo kulnka kadib hadlay ayaa sheegay in booqasho uu ku tegay Somaliya bishii lasoo dhaafay waxaana uu xusay in hadii aan la xoojin ammaanka uu lumikaro hormarka siyaasadeed ee Somaliya ay gaartay
Mr Penning oo sidoo kale hadlay ayaa asna sheegay in Uk ay beesha caalamka kala shaqayso sidii loo hormarinlahaa xaalada Somaliya ayna ku caawinayaan waxyaabaha lagamamaar maanka u ah hanaanka doorashada Somaliya

