Guddoomiyaha Gobolka Meru oo Sheegay in Nafsadiisa ay Qatar Badan Soo Wajahday Markii Qaadka La Hakiyay

0

Guddoomiyaha Gobolka Meru ee dalka Kenya Peter Munye  oo warbaahinta Kenya la hadlay ayaa sheegay in nafsadiisa ay Qatar badan soo wajahay kadib markii  lagu eedeeyay in uu sabab ahaa in la joojiyo qaadkii loosoo dhoofin jirey Soomaliya.

Peter Munye oo ah Gudoomiyaha Gobolka Meru oo ah oo halka uu qaadka ka baxo  ayaa xusay in culees badan uu kala kulmayo ganacsatada qaadka dhoofin jirtay, waxa uuna sheegay  in uu hada ka cabsanayo in la dilo ama dhibaato loo geesto xili dowladda Soomaliya ay isniin ku dhaaqday in la hakiyay duulimaadyadii Diyaaradaha qaadka ka keeni jirey dalkaas.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Meru ee dalka Kenya Peter Munye   oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sababta loo hakiyay qaadka ay tahay In Magaalada Muqdisho uu ka dhacayo 10-ka bishaan shirka Urur Goboleedka IGAD sidaas darteed ay dowladda Federaalka ay  sugayso amaanka dalka inta madaxda afrika ka socota ay ku sugan yihiin.

Gudoomiyaha Gobolka Meru Mudane  Peter Munya ayaa lagu eedeeyay bishii July aynu soo dhaafnay  in booqasho uu ku tagay Magaalada Hargeysa ee caasimada Somali-land si uu u qalqaaliyo xeerarka ganacsiga ee ku wajahan dhoofinta qaadka iyadoo dalka Kenya ay bixineyso beddelkeeda nooc ka mid ah aqoonsiga Somaliland.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here