Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in diyaarad qaad siday oo ka timid dalka Kenya in ay ka degatay barqanimadiii maanta Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaaladaas.
Shalay deeganada Maamulka Puntland kama aysan degin Diyaarad qaad sida oo ka timid dhanka dalka Kenya, waxaana qaadka uu kaga imaanaayay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo gaadiid yar yar looga soo qaadaayay.
Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada maamulka Puntland Hoosh Cali ayaa sheegay in shalay diyaarada Kenya ka imaanayay ay u baaqdeen cilad farsamo balse ay maanta soo dageen.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Mudane C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) ayaa dhawaan sheegay Dowladda Somaliya in ay ku qaldan tahay kaligeed in ay go’aan iska gaarto, taasina Puntland aysan u dulqaadan doonin oo Deegaanadeeda ay xor yihiin Qaadkana uu mar walba ka soo degan karo deeganada Puntland.

