Beeraleyda Qaadka Kenya oo ka Codsaday Dowlada Soomaliya in ay Ka Laabato Go’aanka Lagu Hakiyay  Qaadka

0

Beeraleyda qaadka dalka Kenya ayaa ka codsaday Federaalka Dowlada Soomaliya in ay ka laabato Go’aanka ay ku hakisay qaadkii la keeni karay Soomaliya.

Mudane Peter Munya oo ah Gudoomiyaha Gobolka Meru ee dalka Kenya oo ah halka uu ka baxo qaadka Kenya ka yimaada ee Soomaaliya la keeno oo la Hadlay warbaahinta Kenya ka howlgasha ayaa sheegay in uu ahaa  go’aan lagu deg degay  in la joojiyo qaadka.

Waxaa uu dowlada Federaalka Soomaaliya ka codsaday  Peter Munya oo ah Gudoomiyaha Gobolka Meru in ay ka laabato go’aanka ay ku hakisay diyaaradaha qaadka Soomaaliya keena waxa uuna intaas hadalkiisa ku daray  in saameynta dhaqaale ee arrintaan yeelan karto laga dareemi doono Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee  Xukuumadda Soomaaliya Mudane  Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa Shalay sheegay in dhammaan duulimaadyada qaadka ee ka imaan jirey dalka kenya In si kumeel gaar ah loo joojiyay.

Balse Magaalooyinka Qardho iyo Gaalkacyo oo ka tirsan deeganada Maamulka Puntland waxaa barqanimadii maanta ka  dagtay Diyaarad siday qaad oo ka timid dhanka dalka Kenya, puntland ayaa si cad u sheegtay in uusan quseenin Go’aanka Dowladda  Soomaliya.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here