Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa ku dagaalamaya saxiixa xidigah qadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaya Toure sida uu shaaciyay Sky Sports.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Ivory Coast ayaa waayay kalsoonida macalinka cusub ee kooxda Manchester City Pep Guardiola oo fursad siin waayay xidigaan.
Sidoo kale Xidiga Yaya Toure ayaa laga saaray Ciyaartoyda Manchester City u matalaya koobka Horyaalada Yurub ee Champions League wakiilkiisa Dimitri Seluk, ayaa xaqiijiyay in kooxo kale oo tayo wanaagsn ay lasoo xiriireen laacibkaan.

