Warbixin:- “Jah Wareerka Maamul u Sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Jagadaa Sal u ah”,

0

Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya ayaa daba yaaqadkii sanadkii tagay ee 2015-tii sheegtay in bilawga sanadkaani 2016-ka ay bilaabeyso maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo waqtigaas loolankiisa ay socotay.

Horaantii sanadkii 2016-kii ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud si cad magaalada jowhar ugu sheegay in uu furan yahay shirka maamul u sameynta labada gobol waxaana xiligaani magaaladaasi ku sugnaa ergo kala mataleyso labada gobol.

Mudo kooban waxa uu shirka socdaba waxaa hakad ku yimid shirkaasi markii la gaaray qeybtii xulista ergada labada gobol taasine waxa ay keentay is jiid jiid dheer kadib in ergadii Hiiraan barqo Cad ay dib ugu laabtaan gobolkii ay markoodii hore ay ka yimaadeen.

Isku dayo iyo isku soo dhaweyn labada garab ee ka kala socota labada gobol waa hiiraan iyo sh/dhexe inkastoo mudo kadib dowladu ay ku guuleystay in ay dib Jowhar ugu soo celiso qeyb kamid ah odoyaashii markii hore shirka isaga baxay.

Odoyashii lasoo celiyey iyo waliba kuwii kahor yimid dib ugu laabashada jowhar ayaa ka ashtakooday hab maamuleedkii wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ay wax ugu qeybisay Ergada labada Gobol sida ay sheegeen.

Xubno uu kamid yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ah ugaaska beelaha dega G/Hiiraan ayaa magaalada balad weyne kulan laba jeer fashil ku yimid la qaatay wakiilka urur Goboleedka bariga afrika ee IGAD inkastoo ay sheegeen odoyaasha in la isku fahmi waayay.

QM iyo Beesha Caalamka ayaa ka ah marqaati aamusan iyadoona urur goboleedka IGAD uu yahay mid ugu dhaqdhaqaaqsita badan inkastoo iyane talada loo dhiibay kolkii dowladda la sheegay in ay gacanta ka taagtay socod siinta shirkaasi.

Dadka reer hiiraan ayaa u indha taagaya halka ay ku biyo shubato arintaani maadaama dhanka Sh/Dhexe iyane ay la jaho wareersan yihiin xaalkaani.

Siyaasiyiinta ayaa arintaani ku tilmaamaya wajiyo badantii siyaasadeed ee xiliyada qaar dalka lagu arki jiray gaar ahaan xiliyada kala guurka ah.

Odoyaasha dhaqanka G/Hiiraan qaarkood ayaa doonaya in gobolkaasi loo qeybiyo labo gobol kadibne ay hal maamul goboleed u sameeyaan taasine ay ku qanci karaan waxaana hubanti ah in arintu ay isugu soo uruureyso Jah wareerka maamul u sameynta in jagada ay sal u tahay.

Urur goboleedka IGAD ayaa daba yaaqadkii sanadkii tagay la sheegay in ay isku day xeer jajab lagu wajaho maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyadoona sabab looga dhigayo in uu yar yahay waqtiga dhisidda dowladda maadaama doorasho la gayo.

Tani waa qibradihii laga bartay maamul u sameynta dowlad goboleedyadii ka horeeyey Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo bulshada kasoo jeeda goboladaasi laga dhaadhiciyey in waqtiga doorasho dalka uu dhaw yahay wax walibane dib laga sixi karo.

Arimaha la yaabka leh ee laga bartay maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe waxaa kamid ah shirarkii madasha wada tashiga ee ugu dambeeyey in xubno matalaad ah ay goboladaani ugu qeyb galayeen.

Si lamid ah Ciyaarihii dowlad goboleedyadii dalka ee sanadkaani lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa ka dhex muuqday Ciyaartooy ku dheelayay magaca Hiiraan Sh/Dhexe taasi oo muujineysa in sad bursiga siyaasadeed uu wax waliba ka weyn yahay.

Soomaalida oo ah dad xikmado iyo murti isdhaafsada waxa aan kasoo qaadan karaa maah-maahda ah: “Dabaalado biyo Hoosteed ayey iska arkaan” oo micnaheedu uu yahay in labadii isku howl ah in aysan jirin hab ay ku kala gambadaan.

Waxaa Diyaariyay Wariye Bashiir Maxamuud Yuusf Bk

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here