Fredrick Shisia :“Waxa aan ku Guulaysanay in aan Xirno Inta Badan Meelihii Al shabaab ay Weerarka Kasoo Qaadi Jireen”

0

Ciidamada ammaanka ee magaalada Mandeera  ee Gobolka Waqooyi Bari  ee dalka Kenya ayaa la sheegay in wali ay qabaan feejignaan sare in kastoo wax weeraro ah aysan ka dhicin labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha degmada Mandheera Fredrick Shisia ayaa u sheegay wargeyska the Star  ee dalka Kenya kasoo baxaya in saraakiisha iyo ciidamada ammaanku aysan  ogolaan doonin wax jaanis ah oo weeraro lagu geysankaro ayna ka shaqaynayaan sidii ay u difaaci lahaayeen weeraro ay soo qaadaan Xarakada  Al shabaab.

“Waxa aan ku guulaysanay in aan xirno inta badan meelihii Al shabaab ay weerarka kasoo qaadi jireen taasina waa sababta ay u awoodi waayeen in ay soo galaan degaanada Gobolka si ay noosoo weeraraan”.

Shisia ayaa tilmaamay in ay adkeeeyeen amaanka gaar ahaan xuduuda ay la wadaagaan Somaliya taasna waxa uu sheegay in ay hoos u dhigtay weeraradii ay geysan jireen Al shabaab labadii bilood ee u dambaysay sidoo kale wada shaqayn ka dhaxaysa maamulka Jubbaland ayuu xusay in ay hoos u dhigatay weeraradii ka dhici jiray Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here