Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa goordhow lagu wadaa in uu ku dhawaaqo in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaliya Doorashada sanadkaan 2016-ka dalka ka dhacaysa.
Hoyga Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid ayaa waxaa haatan ku sugan Wariyaasha ka Howlgalka Magaalada Muqdisho iyo kuwa Caalamiga ah iyadoo lagu wado in Raiuslwasaaraha uu si rasmi ah ugu dhawaaqo Musharaxnimadiisa.
Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

