Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dhaqdhaqaaqa Xarakada Al-shabaab iyo Dowlada Federaalka Soomaliya ay sii kordhiyeen dhibaatooyinka ay ku hayaan Warbaahinta madaxa Banaan ee ka howlgasha Gudaha Soomaliya.
Warbixinta ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Xuriyada hadalka ay qeyb ka tahay dib u dhiska dalka dhanka Dimuqraadiyada gaar ahaan isbadalka dhanka siyaasada Soomaliya ay xiligaan galayso.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaliya ay marti galisay in ka badan 90-xarumooda oo Warbaahin ah oo isugu jira, Idaacaddo, Telefishino, Websetyo, waxa ay sidoo kale tilmaamtay in lagu xadgudbay xarumo warbaahineed, kuwa kalana meesha laga saaray dibna aysan usoo laaban tan iyo xiligaas.
Intii u dhaxaysay Bilaha August 2012 iyo June 2016 ayay Qaramada Midoobay sheegtay in Soomaliya lagu dilay 30-wariye oo ka Howlgalayay Xarumo Warbaahineed, iyo 18-kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Federeaalka Soomaliya.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in la diiwaan galiyay 120-dhacdo oo dhacay intii u dhaxaysay January 2014 iyo July 2016, oo isugu jira xarumo idaacadeed oo la xirey, iyo Wariyayaal xabsiga la dhigay kuwaasi oo aan lasoo taagin wax maxkamad ah.
Xarakada Al Shabaab oo dabayaaqadii sanadkii 2011-kii laga saaray Gudaha Magaalada Muqdisho ayay Qaramada Midoobay ku eedeeysay in ay beegsadeen Xarumo Warbaahineed oo ka Howlgalayay Gudaha Magaalada Muqdisho iyagoo sidoo kale dilay wariyayaal iyo Agaasimayaal Idaacadeed.
Sidoo kale Laamaha amaanka dowlada Soomaliya, sida Ciidamada Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya, Kuwa Booliska, ayay Qaramada Midoobay ku eedeeysay in ay beegsadeen xarumo Warbaahineed iyagoo sidoo kale is hor istaag ku sameeyay dhaqdhaqaa Siyaasiyiinta Soomaliyeed.

