Raisulwasaare Ku-xigeenka Soomaliya Iyo Denjire Michael Keating oo Kawada Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

0

Raisulwasaare Ku-xigeenka Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte iyo Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobe  u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Denjire Michael Keating, ayaa maanta kulan ku qaatay Magaalada Muqdisho iyagoo kawada Hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.

Labada Mas’uul ayaa kawada Hadlay sida loogu diyaar Garoobay arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan  iyagoo tilmaamay In doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan la rajeenayo in ay Noqoto mid xalaal ah.

Raisulwasaare ku xigeenka iyo Danjire Keating, ayaa sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen  diyaar garoowga loogu jiro shirka madasha qaran ee la filayo inuu Barrito ka furmo magaaladan Muqdisho, ee Caasimada Soomaliya kaasoo diiradda lagu saari doono turxaan bixinta Goalaha sare ee Baarlamanka iyo sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here