Howlgal Dad Badan Lagu Qabqabtay  oo Laga Sameeyay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari+Sawirro

0

Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ayaa howlgla maanta  ka sameeyay Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari kaaso oo lagu soo qabqabtay dad aad u fara badan.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dad badan ay  kusoo qabteen howlgal xiligan ay baaritaan ku wadaan.

Taliyaha  qeybta Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa tilmaamay In dadka badankooda laga soo qabtay kontaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga ee Maamulka Puntland.

Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa uga digay dadka iney iska soo gaalaan magaalada Boosaaso kuwaasoo aan sidan wax aqoonsi ah ama cid damiin ah oo u joogta magaalada lana garanayo.

“”Dadka iska soo aadaya Boosaaso ee Gobolka Bari  ee imaanaya waa in ay leeyihiin dad kasoo horeeya ,waa in ay aqoonsi leeyihiin ,waa in ay damiin wataan ,waxaan ogolayn in cid aan garaneyn ay magaalada iska soo galaan ama ka baxaan habeenkii””ayuu yiri Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland .

1-3 2-2 3-2 4-1 5 6 7

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here