Javier Mascherano oo ka Hadlay Casaankiii La Siiyay Xidiga Paulo Dybala

0

Xidiga qadka dhexe ee xulka dalka Argentine Javier Mascherano  ayaa u sheegay  weeraryahanka kooxda Juventus Paulo Dybala in ay ku dhacday kaliyah wixii ku dhacay Lionel Messi markii ugu horeysay uu kasoo muuqday xulkiisa.

Paulo Dybala oo markii ugu horeysay matalay xulka  La Albiceletse ayaa lagu abaalmariyay kaarka gaduudan xili uu ka hortagay xulka dalka Uruguay, ciyaarayaha isreebreebka koobka aduunka dalka Russia.

Waa mid lamid ah tii ku dhacday Messi markii ugu horeysay uu matalay xulka  dalkiisa sanadkii 2005-tii kadib markii kaarka gaduudan la siiyay xili ay ka hortageen Hongury da’diisa waxay aheyd 18-sano haatana waa Gool dhaliyaha ugu sareeya xulkaas.

“ Waxaan u sheegay isaga waa mid lamid ah tii ku dhacday Lionel Messi markii ugu horeysay uu kasoo Muuqday xulkiisa “ ayuu Yiri Javier Mascherano.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here