Dhageyso:-Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Maanta ka Furmaya Magaalada Jowhar

0

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu Wadaa in magaalada Jowhar uu si Rasmi ah uga Furmo Shirka Maamul Sameynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Sida Ku Cad Baaqii Wada Jirka ahaa ee ay soo Saareen Xukuumadda Soomaaliya iyo Urur Gobaleedka Bariga Africa ee IGAD oo Asbuucii aynu Soo Dhaafnay Magaalada Muqdisho uga Dhawaaqay Waqtiga kama Danbeysta ah ee Dib loo Furayo Shirka Jowhar.

Ra’iiSulwasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Wakiilka Urur Gobaleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa Asbuucii aan soo Dhaafnay Waxa  ay Shaaciyeen in Shirka Maamul U sameeynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe dib loo Amba qaadi Doono 3-Bisha September oo Maanta oo Sabti ah ku Beegan waxaan Magaalada Jowhar la Filayaa inay Maanta gaaraan Madax Heer Qaran ah oo ka qeyb galaya Furitaanka Shirkaas.

Dhan Shirka Jowhar waxaan maanta ka Qaybgali doonin Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Gobalka Hiiraan oo si Cad u Sheegay in aysan tagi Doonin Gogosha Shirkaaas oo ay ku Tilmaamayn Mid aan Waxtar ula hayn aayaha Gobaladaasi Bulshada Dagta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here