Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Gobalada Bay iyo Bakool ka baadi Goobaya Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Daacish oo la Aaminsan yahay inay ku Dhuumaalaysanayaan Deegaano ka tirsan Gobaladaas.
Taliyaha Isgaarsiinta Ciidamada Gobalada Koonfur Galbeed Korneel Muqtaar oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Ciidamada Militariga Dowlada Dhexe kuwa Maamulka Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku Dabajiraan islamarkaana ay samaynayaan Howlgalka ka Dhan ah Dhalinyaro ku Biirtay Kooxda Daacish oo Baxsad ku ah Deegaanada Gobalada Baay iyo Bakool.
Korneel Muqtaar ayaa ugu baaqay Dhalinyaradaan oo uu Xusay inay Marin Habaabiyeen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish iyo Isku Soo Dhiibaan Ciidamada Dowlada ka Hor inta aysan ugu tagin Goobaha kaga Dhuumaalaysanayaan Gobalada Baay iyo Bakool.
Taliska Nabad Sugida Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Shalay Soo bandhigay unug ka tirsan Kooxda Daacish oo uu ka mid yahay Wakiilkii Daacish u qaabilsanaa Gobalka Baay Cali Maxamed Gaaboow 3-Dagaalyahan oo daacad u ah oo kala ah Mahad Nuux Siidoow, Sameyta iyo diyaarinta Qaraxyada Macmalka, C.casiis Xasan Mursal Jabhadaha, iyo Maxamed Sh Isaaq oo Bambo tuurka qarxinta miinooyinka qaabilsan.

