Maamulka Magaalada Marko ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Xaqiijiyey in Al-shabaab ay la Wareegeen Ganac ku heynta Deegaanaka Ceel-wareegoow ee duleedka Magaaladaasi ka dib Dagaal ay lagaleen Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Gudoomiyaha Magaalada Marko ugu Magacaabay Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Cumar Macalin oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Deegaanka Ceel-wareegoow uu gacanta ugalay Al-shabaab ka Dib markii Ciidamada Dowlada looga Itaal Roonaaday Dagaalka Gudaha Deegaankaasi ka dhacay.
Mudane Xasan Cumar Macalin ayaa Dhaliilay Qaabka Ciidamada Dowlada ay u Wajaheen Weerar ka Al-shabaab ay ku qaadeen Deegaanka Ceel-wareegoow waxa uuna Xusay in Mas’uuliyad Daro ah tahay in laga Baxo Deegaan oo kaabiga ku haya Magaalada Marko.
Gudooyimaha oo sii hadlayey ayaa Sheegay Deegaanka Ceel-wareegoow in uu Muhiimad gaar ah u lahaa Isku Socdka Shabeelaha Hoose ilaa Jubbada Hoose waxa uuna intaa sii raaciyey in la Wareegitaan Ceelwareegoow uu Al-shabaab u Sahli karo inay Si Fudud kula Wareegaan Magaalada Marko ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose

