Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in ay ku qasbeyso dano gaar ah oo ay ka leedahay shirka maamul u samaeynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Siyaasiga Cumar Maxamed Gaagaale oo Hore Xildhibaan uga Soo noqday dowladii KMG-ga aheyd oo u waramay Idaacada Simba ayaa Dowlada Soomaaliya ku Eedeeyey inay Dano gaar ah ay ku wadato Arimaha Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo uu Tilmaamay in Urur Gobaleedka IGAD iyo Dowlada Dhexe ay Bulshada Gobaladaasi ku Qasbayaan Dhismaha Maamul aan ku imaanin Rabitaan dadka Reer Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Sidoo kale siyaasigaan Cumar Maxamed Gaagaale ayaa Waxa uu Sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan Daacad u ahayn in ay midoobaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe asagoo Tilmaamay in Madaxda Dowlada Dhaqaale ay kaga raadsanayaan Beesha Caalamka si ay Danahooda gaarka ah ay ugu Fushadaan.

