Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalne oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Faah-faahin ka bixiyey gaari laga Soo Buuxiyey walxaha qarxa oo Xalay Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ay ku qabteen Degmada Xamar-weyne ee Gobalka Banaadir.
C/fitaax Cumar Xalane ayaa Sheegay in Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay Xalay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan Gaari nuuca loo yaqaano kaarib oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa Xili uu yaalay ka soo horjeedka School-ka Xaawo-taako ee Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka ayaa intaa hadalkiisa ku daray in Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ay Saacado badan ku dabajireen Gaarigaan oo ugu danbayntii ay ku qabteen dagmada Xamar-weyne inkastoo uu baxsaday ruuxii waday gaarigaan oo la aamisanyahay in Weerar ismiidaan ah lagu fulin rabay sida Xusay Afhayeenku.

