Xoghayaha Maamulka Degmada Warshiikh ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cali Yuusuf oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Dowlada Soomaaliya ay Go’doomin ku soo rogeen Degmada Warshiikh kuwaasi oo Dhibaatoon kala Duwan ku haya Dadka Degmadaasi iyo Deegaanada ku Xeeran.
Maxamed Cali Yuusuf oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Warshiikh ayaa Tilmaamay in Ciidamadaas oo ka tirasan Militariga Dowlada oo hada isku Badalay Qaab qabiil ay Fariisimo ka Sameysteen Dhamaan Wadooyinka laga soo galo dagmada islamarkaana ay dadka rayidka ah ay ku qasbayaan in ay bixiyaan lacag sharci daro ah oo aysan Awoodin Sida uu yiri Xoghayaha Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

