Dhageyso:-Odayaasha Dhaqanka ee Loo Xil Saaray in ay Soo Xulaan Xildhibaanada Galmudug oo Cadaado Gaaray

0

Wasiiru Dowlada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Galmudug  Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye) oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Magaalada Cadaado ay soo gaareen inta Badan Odayaasha Dhaqanka ee loo xil saaray in ay soo Xulaan Xildhibaanada Galmudug ku matalaya Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ay yeelanayso Daba yaaqada Sanadkaan.

Wasiiru Dowlaha ayaa Xusay in Sidoo kale ay Magaalada Cadaado oo Xarun ku meel gaar ah u ah Maamulka Galmudug ay ku sugnaayeen Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Heerka Dowlada Gobaleed kuwaasi oo Galmudug u tagay inay Qeyb muuqata ka qaataan Qorshada Soo Xulida Xildhibaanada ka imaanaya Gobalada Dhexe.

Mudane Cumar Guureeye Wasiiru Dowlada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Galmudug  oo sii hadlayey ayaa Tilmaamay in Maalmaha Soo Socda  Magaalada Cadaado uu uga Furmi doono Odayaasha Dhaqanka Maamulka Galmudug Tababar Aqooneed ku Saabsan qaabka ay u Wajahayaan Xulida Xildhibaanada Galmudug ay ku yeelanayso Labada Aqal ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here