Dagaalkaan oo muddo daqiiqado ah qaatay ayaa ka dhacay meel u dhow degmada Laamu ee gobolka xeebta ee dalka Kenya sida ay sheegeen saraakiil kenyaati ah oo degmadaas ku sugaan.
Kahor inta uusan bilaaban dagaalkaan dhexmaray Ciidamda Kenya ee ku sugan degmadaas iyo Al shabaab ayaa waxaa la tilmaamay in uu hal qof ku dhintay miino dhulka lagu aasay oo ku qaraxday gaari meel aan sidaas uga dheereen halka uu iska hor imaadku ka dhacay.
James ole Serian oo ah taliyaha hawlgal loogu magacdar Linda Boni Operation oo ka socda Gobolka xeebta ee dalka Kenya ayaa sheegay in gaariga la qarxiyay uu ahaa mid aan u diiwaangashanayn dalka Kenya.
Dagaalkaan dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Xarakada Al shabaab ayaa socday muddo 10 daqiiqo ah inkastoo aan la sheegin wax qasaara ah labada dhinac kasoo gaaray.

