Shir Madaxeedka 6-aad ee Waddamada Afrika iyo Japan oo Goordhow ka Furmaya Magaalada Nairobi+Sawirro

0

Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaa goordhow ka Furmi doona Shir Madaxeedka 6-aad ee Waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development) iyadoo Soomaliya ay shirkaan ka qeyb gali doonto.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Madaxweynaha Jamhuuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi  ee dalka Kenya ayaa isna shirka ka qeyb galaya.

Soomaaliya ayaa horey uga qeybgashey shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.

1-7 3-7 (1) 3-7 4-8 5-7 6-5

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here