Dowlada iiraan oo Beenisay in Hub iyo Taageero ay Siiso Kooxaha  Xuutiyiinta dalka Yemen

0
Iran’s Foreign Minister Mohammad Javad Zarif

Dowlada iiran ayaa ka Jawaabtay hadal kasoo yeeray Xoghayaha arrimaha Dibada dowlada Mareykanka John Kerry oo ku aadanaa in dowlada iiraan ay hub u dirto dalka yemen ayna taageero siiso kooxaha Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira dowlada dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa weerar afka ku qaaday  Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka  John Kerry oo  dhawaan ku eedeeyay Iran inay hub  u dirayaan Yemen isagoo beeniyay eedeymaha ka dhanka ah xukuumada Tehran kuna tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

“Dhab ahaantii maamulka Mareykanka waa in lagula xisaabtamo masuuliyada oo dhan ee dambiyada ka baxsan, biniaadanimada ayuu raaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Mohammad Javad Zarif, oo booqasho ku maraya dalka Bolivia oo qayb ka ah socdaal uu ku marayo dalalka Latin American”,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here