Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogana ayaa lala eegtay checkpoint ay booliska dalka Turkigu ku leeyihiin meel u dhow xarunta Booliska Rabshadaha ka hortaga ee Cirze halkaas oo la sheegay in 8 ka tirsan ciidamada Booliska lagu dilay 45 kalana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Ma cada cida ka dambaysay qaraxaan balse warbaahinta dalka Turkiga ayaa ku eedeysay qaraxaan in ay ka dambeeyeen kooxda Kurdiyiinta ah ee PKK.
Magaalada Cizre oo ku taala Koonfurta bari ee dalka Turkiga ayaa waxaa horay dhawr mar loogu soo rogay bandaw bilihii lasoo dhaafay, kadib markii weeraro lagu xarumaha Ciidamada Booliska.






