Dhageyso:- Maamulka Galmudug oo Jawaab ka Bixiyay Go’aan Kasoo Baxay Maamulka Puntland

0

Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa jawaab  ka bixisay Go’aan shalay kasoo baxay Maamulka Puntland  oo ku aadanaa in wixii ka dambeeya 1/9/2016  la joojin doono Gaadiidka Puntland kaga imaan jirey koonfurta iyo bartamaha dhulka Soomaliya.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee Maamulka Galmudug C/xakiim Macalin Axmed oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sharcidaro ku tilmaamay Go’aanka kasoo baxay Maamulka Puntland ee lagu joojinaayo Gaadiidka ka bixi jirey koonfurta iyo bartamaha dhulka Soomaliya ee tagi jirey deegaanada Puntland.

“Dhinac waa sharcidaro Go’aanka Puntland kasoo baxay, Maamulka Galmudug waxa uu qaadan doonaa Go’aan kale xaqiiqdii Go’aanka kasoo baxay Maamulka Puntland waa mid lagu cunaqabateenayo umadda Soomaliyeed ee ku kala nool deeganada  Labada Maamul”, ayuu yiri wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee Maamulka Galmudug.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee Maamulka Galmudug Mudane C/xakiim Macalin Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Maamulka Puntland ee ku aadanaa in amnidaro ay ka jirto koonfurta iyo bartamaha dhulka  Soomaliya taasina ay keentay in Go’aanka ay soo soo saaraan.

“Dhulka ay Galmudug  ka Taliso waa amni ma jiraan wax amni daro la yiraahdo Puntland arin kale ayay damacsan tahay, waxaa laga doonayaa in ay soo cadeeyaan amnidarada ay sheegayaan”, ayuu mar kale Yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee Maamulka Galmudug C/xakiim Macalin axmed.

Hadalka Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee Maamulka Galmudug C/xakiim Macalin Axmed ayaa kusoo beegamaya xili shalay Go’aan kasoo baxay maamulka Puntland lagu sheegay in laga bilaabo 1/9/2016 la joojin doono Gaadiidka ka yimaada koonfurta iyo bartamaha Soomaliya ee sida tooska ah u tagi jirey deegaanada Puntland.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here