Cabdulaahi Jama Farah oo ah wiil 20 jir ah kanasoo jeeda Somaliya waxna ka baranayay magaalada Manchester ayaa maxkamad lagusoo taagay dalka Uk waxana lagu haystaa in kooxda Daacish iyo kooxa kale uu dhinaca xiriir kala shaqaynayay
Cabdulaahi ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu xiriir dhow la lahaa dhalinyaro u socdaalay wadamada Siiriya, Somaliya iyo ciraaq waxaana ka mid ahaa laba gabdhood oo mataano ah oo lagu kala magacaabo Zhara iyo Salma Halane, kuwaas oo ahaa 16 jir islamarkaana ka tegay Xaafada Chorlton ee magaalada Manchester bishii June 2014-kii, kuwaas oo la aaminsanyahay inay ku biireen Daacish sidoo kalana ay guursadeen dagaalyahano ka tirsan sida Maxkamada laga horsheegay.
Xeer illaaliyaha maxkamada Gareth Patterson ayaa u sheegay xeer beegtida in ay jirto cadayn ku filan in Cabdulahi Jama Farah uu taageersanaa kooxda Daacish lagana helahay cadaymo arrintaas muujinaya computerkiisa iyo baraha bulshada ee uu isticmaalo.
Mr Patterson ayaa sheegay in door muhiim ah oo dhinaca xiriirka ah uu ka samaynayay gudaha dalka UK iyo meelo kale.
Cabdulahi Jama Farah, oo ah muwaadin Somaliyeed balse haysta dhalashada wadanka Danmark ayaa waxaa la tilmaamay in uu xiriir lahaa 4 ka mid ah asxaabtiisa oo la sheegay in laba ka mid ah ay ku dhinteen dagaalo halka labada kalana ay dhaawacyo daran soo gaareen xili ay dagaalo ka qayb qaadanayeen.
Ahmed Ibrahim Halane,oo ay ilma adeeryihiin wiilkaan oo ku noolaa magaalada Manchester, ayaa la sheegay in uu aaday Somaliya bishii September 2013,si uu ugu biiro Xarakada Al-Shabab.

