Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ka warbixisay weerarkii qorshaysnaa ee xalay Lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach oo ku taala Xeebta Liido ee degmada C/casiis.
Afhayeenka wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shukri oo u waramay idaacada simba ayaa Faah-faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacay weerarka iyo qasaaraha ka dhashay weerarka ay fuliyeen dagaalyahanada ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.
“Qasaaraha ilaa haatan la ogyahay waa 9-ruux 5-qof oo kamid waa shacab labo waa ciidamo ka Tirsan kuwa Amaanka, labana waa kuwii weerarka soo qaaday, dagaalyahanada weerarka soo qaaday waxay ahaayeen 3-ruux mid kamid waxa uu waday gaariga, Ciidamada amaanka waxa ay ku amreen in ay joojiyaan gaariga way ka dhaga adeegeen arintaas, kadib rasaas ayay ku fureen Ciidamada waxaana qarxay gaarigii intaas kadib waxaa jirey labo kamid ah dagaalyanada oo gudaha maqaayada galay, ugu dambeen waxaa gudaha maqaayada ku toogay Ciidamada Amaanka”, ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shukri.
Sidoo kale Afhayeenka wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shukri ayaa tilmaamay in ay gacanta ku hayaan darawalkii gaariga u waday ragii hubeysnaa islamarkaana haatan lagu dabiibayo mid ah xarumaha Taliska Hay’addaha Nabada Sugida.
Mas’uuliyada weerarka waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab iskastoo aysan soo bandhigin qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas.

