Ganacsade Soomaliyeed oo Lagu Dilay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

0

Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaa lagu dilay xalay fiidkii Ganacsade Soomaliyeed oo si weyn loogu yaqaanay Gudaha Magaaladaas.

Dilka Ganacsadaha Soomaliyeed ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah oo rasaas ku furey xili uu isku dayaayay inuu xiro goobtiisa ganacsiga oo ku taala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mustaf Sheekh C/laahi, wuxuuna kamid ahaa ganacsada Soomaliyeed ee sida weyn loogu yaqaanay Magaalada Nairobi.

Burcadii ayaa gudaha u galay xarunta Ganacsi ee Marxuumka la dilay , waxayna halkaasi ka qaateen lacago ganacsadaha uu lahaa oo dukaanka yaalay, sida ay warbaahinta Kenya u sheegeen qaar kamid ah dadka magaaladaas.

Dhanka kale Ciidamada Booliska Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya., ayaa wali ku raadjooga sidii ay usoo qaban lahayeen ragii ka dambeeyay dilka Ganacsadaha Soomaliyeed Mustaf Sheekh C/laahi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here